DEG DEG:- Kulankii Baarlamaanka Oo La Baajiyay!!

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku balansanaa maanta oo Sabti ah kulan caadi ah oo noqonayay kii ugu horreeyay tan iyo khilaafka guddoonka Baarlamaanka ka dhexe aloodsanaa muddooyinkii u dambeeyay.
Kadib soo jeedin ka timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa la hakiyay kulankii mudanayaasha Golaha Shacabka  ee loo ballansanaa maanta.
Madaxwaynaha ayaa hadda kulama la leh guddoonka Baarlamaanka iyo kan aqalka sare si xal deg deg ah loogu helo arrinta khilaafka.
Maanta eaxaa la rejeynayay in xarunta golaha shacabka uu ka dhaco kulankii ugu saameynta badnaa ebed inta uu jiro baarlamaanka 10-aad, kaas oo ay goob wada fadhiisan lahaayeen taageerayaasha Jawaari iyo kuwa kasoo horjeeda.