Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan M/ Jowhar!

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay u dhaxeyso Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi.

Dhaq dhaqaaqyo iska soo hor jeeda ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayo xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Lama oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya xiisadaasi, balse qeyb ka mid ah Ciidamadaasi ayaa waxa ay yihiin ilaalada Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali C/laahi Xuseen Guudlaawe.

Shalay ayey ahayd markii Ciidamadan ay ku dagaalameen M/ Jowhar, kaas oo waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.