Shabaab oo dhibaato Weyn ku haaya Galcad Ceel dheer iyo dad isaga soo tagay oo Muqdisho soo gaaray!

Kooxda Al shabaab oo dhibaato weyn ku haysa gebi ahaanba deeganada  Koonfurta Soomaaliya ayaa la soo sheegaya in aay haatan dhibaatada ugu weyn ku haayan degmooyin ka mid ah Gobalka Galgaduud.

Degmooyinka ugu baddan ee haatan dhibaatada aay ku haayan isla markaana dadka isaga soo tageen waxaa ka mid ah Deegaana hoostaga Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud iyaga oo dadkaasi soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka isaga soo tagay Halkaasi oo Shabkada Shaaciye.com la hadlay ayaa sheegay in aay waydiisteen Kooxda Al shabaab wiil iyo qoray in uu ku wareejiyo isaga oo sidoo kale sheegay in horey gabar u dhalay si qasab ah Horjoogaha Kooxdaasi ee deeganadaasi  ku guursaday.

Kooxda Al shabaab ayaa deeganadaasi kamid ah Gobalka Galgaduud bilooyinkii ugu danbeeyay ka waday in aay Caruurta yar yar si qasaba qoryo ugu dhiiban kadibna u dagaal galiyaan.