Muwaadin Soomaali Ah Oo Wajahaya Eedeymo Culus oo halis ah!

Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa markale wajahaya eedeymo ku aadan ku lug lahaanshaha af-duub horay loogu geystay Saxafiyad madax banaan oo ka soo jeeda dalka Canada iyo Sawir qaade Australian ah, kuwaasi oo Sanadii  2008-dii bishii August laga afuubtay meel u dhow magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Lindhout oo ah Haweeneyda Saxafiyada ah oo ka hor hadleysay Maxkamadda, iyadoo aad u ilmayneysay ayaa sheegtay in ay dareemeyso xanuun xoogan marka ay dib u gocato xilligii afduubka, islamakaana loo geystay jirdil aad u daran, Kufsi iyo dhibaatooyin kale, kuwaas oo illaa iyo hadda nolosheeda raad ku reebay.

Muwadinkani oo 40 jir ah ayaa wajahaya in lagu xukumo xabsi Daa’in, kadib markii dambigaasi la sheegay in lagu helay Sanad ka hor.

Bishii November Sanadii 2009-kii ayaa la sii daayay Saxafiyadaasi iyo Sawir qaade, kadib markii lacag madax furasho ah la siiyay kooxdii gacanta ku haysay.