‘Shirkii Muhiim ah oo Baydhabo lagu balansanaa oo dib udhac ku yimid!!

Shirkaan oo qorshuhu ahaa in ay ka qeyb galaan madaxda Maamul Goboleedyada, loogana hadlo ajendayaal badan ayaa dib udhac ku yimid marka la eego waqtigii lagu ballamay.

Magaalada Baydhabo oo shirkan uu ka dhici lahaa ma jiro mas’uul kamid ah Golaha Ammaanka Qaranka oo gaaray Magaaladaasi ama ku sugan.

Golaha ayaa ka kooban Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxa ayna Magaalada ay ku kulansan yihiin tagaan Maalin kahor waqtiga shirka uu dhacdo.

Shirka ayaa u muuqda mid dib udhacay, mana jiro mas’uul katirsan Golaha Amniga Qaran oo ka hadlay dib udhiciisa iyo sababaha keenay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha dib udhaca ku keenay shirka uu yahay khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya ragaadiyay, gaar ahaan Hay’adaha Fulinta iyo Xeer dejinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo Markii uu soo ifbaxay Mooshinka ka dhanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka baaqday safaro uu ku tagi lahaa dalal ay kamid yihiin Qadar iyo Ruwanda.

Wali kamana hadlin Mowqifkiisa la xiriira Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari iyo Khilaafaadka ka dhashay.