SAWIRRO: Qaraxii Goordhow ka dhacay Muqdisho oo xog dheeriya laga helay!

Waxaa warar dheeraad ah ay inaga soo gaarayaan Qarax Goor dhaw ka dhacay laamiyaraha Zoobe ee Degmada Wadajir, kaas oo la sheegay in uu ahaa Gaari nuuca Raaxada ah oo ku qarxay halkaasi, sidoo kale wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in Gaariga qarxay ay saarnaayeen Saddex qof, islamarkaana labo qof ay ka badbaaday Qaraxa halka qofka kale uu ku dhaawacmay.

Dhanka kale laamaha amaanka ayaan weli kahadal, balse Ciidamo baddan oo katirsan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa gaaray  Goobta Qaraxa uu kadhacay.

Waxaana Xusid mudan Xiriiro kala duwan oo an lasameeynay laamaha Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaan inoo suura Galin in ay ka hadlaan Qaraxa ka dhacay Laamiyaraha Zoobe.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa maalmaahan ku soo batay Magaalada Muqdisho,waxana muuqato in amaanka Magaalada uu faraha ka sii baxaayo.

Sawirro  Hoos ka Fiirso

3 Xamar
3 Xamar
1 Xamar
1 Xamar
2 Xamar
2 Xamar