Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay oo Waqti Kordhin u Sameeyay Xafiiska UNSOM’

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waqti kordhin u sameeyay xafiiskooda u qaabilsan hawlgalada Soomaaliya ee UNSOM, kaas oo uu ku ekaa waqtigiisa 31’da bishan maarso, ayagoona haatan gaarsiiyay tan iyo 31’da maarso ee sanadka 2019.

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa soo hadal qaaday muhiimada uu u leeyahay xafiiskan dowladda faderalka Soomaaliya, ayagoona sidoo kale sheegay in uu ka taageero soomaaliya dhinacyo farabadan oo ay kamid tahay sugida amniga, iyo sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay aad u cambaareeyeen dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee soomaaliya ka dhacay, ayagoona soo hadal qaaday qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay 14’kii Oct sanadkii 2017 isgoyska Soobe , iyo kii dhacay 23’kii Febaraayo ee sanadkan 2018.

Golaha ayaa sidoo kale muujiyay qaabka ay uga xun yihiin sida ay u sii baahyso awooda kooxda Al-Shabaab oo ku xiran Al-Qacida iyo tan Daacish oo fariisimo muhiim ah ku leh qaybo kamid ah gudaha dalka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha amaanka ee QM ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay xushmeenta madaxbanaanida  Soomaaliya dhul ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayaa la as aasay sanadkii 2013’dii, ayagoona Xubnaha Golaha amaanka ee QM isla gartay in UNSOM, ay Soomaaliya ka sii hawl gasho muddo sanad ah.