DEG DEG: Qarax Gaari oo Goor dhow ka dhacay Muqdisho!

 Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho qarax gaari ayaa ka dhacay goor dhow meel ku dhow Isgoyska Zoobe.

Qaraxan ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux ilaa hadda aanan la garaneyn waxa uu yahay, kaasi oo dhaawac aad u culus uu ka soo gaaray, waxaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan nuuciisa inuu ahaa mid loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano.

Gaariga qarxay ayaa gabi ahaan gubtay, iyada oo markii dambe ay damiyeen dadbkii gaariga ka kacay shacab halkaasi ku soo xoomay, Ciidamo Dowladda ka tirsan ayaa goobta ku sugan.

Faah faahinta la soco goor dhow