Galmudug Intee Loo Wadaa?! Xildhibaannada cusub Iyo Saameynta Ay Miisaaniyadda Maamulkaas Ku Yeellan Karto!

Waxaa la mideeyay xildhibaannada golaha shacabka ee maamulka Galmudug, kuwaas ka kala imaanayay dhinacyada Ahlu Sunnah iyo dhanka maamulka Xaaf.
Ka dib heshiiskii January, xerta wasiirka koobaad ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa helay xildhibaanno aad u badan, oo qaab heyb ahaan ay u kala qaadan doonaan.
Haddaba in kudhowaad 200-xildhibaan uu hal maamul yeesho waxa ay ka dhigan tahay in dhaqaalle ahaan uu maamulkaas cuuryaamayo, maaddaama miisaaniyadda Galmudug ay tahay tan ugu yar marka laga soo tago Hirshabeelle.
Waa ay adag tahay in la kafaallo qaado intaas oo xildhibaan oo dhammaantood u baahan mushaar joogta ah, waxaana u dheer golaha wasiirrada oo iyagana saameyn xooggan ku yeellan doonta xasiloonida dhaqaalle ee Galmudug.
Su’aasha iswayddiinta mudan ayaa ah, marka intaas xildhibaan jagada la siiyo, haddaba halkee baa loo wadaa Galmudug, maaddaama aan la soconno maamulkaas dhibta laga maray iyo sida ay wax noqdeen markii la heshiisiiyay Ahlu Sunna iyo Galmudug.