Ciidamo Ka Wada Tirsan Kuwa DF Oo Ku Dagaalamay Muqdisho!

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS oo goor dhow ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dhacay nawaaxiga Haanta dheer ee degmadaasi, waxaana la sheegay in uu salka ku hayo arrimo ku aadan muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Iska hor imaadkaasi.

Mana  jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda ay ku dagalamaan gudaha Deyniile, waxaana la sheegay in la’isku hayo dhul dowladeed oo ku yaalla degmadaasi.

Dhanka kale  amaanka guud ee Gobalka Banaadir ayaa u muuqday mid faraha ka sii baxaayay maalmahii ugu danbeeyay iyadoo aynaan muuqan cid masuuliyad gaara iska saarayso.