SAWIRRO:Gaas oo kulan isla xisaabtan ah la qaatay Hay’addaha ka Howlgalla Puntland ‘

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 26 March 2018 waxa uu shir gudoomiye kulan ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyada Puntland. kulankan maanta ayaa lagula xisaabtamayey Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGO) ee ka hawlgala deeganada Puntland.

Gaas ayaa waxaa kulankan ku wehelinayey, dhammaan wasaaradaha ay ka kooban tahay xukuumada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo qaar kamida ururada rayidka ah.

Kulankan oo Shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa mid-mid lagula xisaabtamey waxa ay qabteen sandkii la soo dhaafay 2017 iyo qorshaha sandakan 2018 Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawl gala deeganada Puntland, iyadoo ayna Hay’ad waliba ka warbixisey wixii u qabsoomey sandkii la soo dhaafey iyo waxa u qorsheysan sanadka 2018.

Dhinca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in Puntland iyo Beesha caalamka ay ka wada dhaxeyso wadashaqeeyn wanaagsan, waxaana uu madaxweynuhu hadal kooban uu madasha ka jeediyey ku yiri sidan”

“Waxaan maraka hore u mahad celinayaa Wasaaradda Maaliyada oo nagu marti galisey xarunteeda, Beesha caalamka iyo Dawladda Puntland wadashaqeynta ka dhaxaysa aadbey u wanaagsantahay meel fiican bayna mareysaa waana kaga mahad naqeynaa wixii shaqa ah oo ay nala qabteen, inaga xukuumad ahaan hanoqoto Wasaaradda Qorsheynta ama hay’daha dawliga ah indinkaa la idinka rabaa inaad hagtaan barnaamijkan oo aad ku hagtaan waxa muhiimka u ah Dawldda Puntland, waxaa laga yaabaa mararka qaarkood in Hay’adahan ay la yimaadaan barnaamij ayaga gaar u ah, barnaamij cidna aanay kala tashan kabacdina loola yimaado wasaaradaha, aniga ka xafiis ahaana marwalba idinma dul joogo cida la rabo inay hagto barnaamijka iyo waxa muhiimka noo ah waa idinka, waad la socotaan dadkan waxay jecelyihiin inay qaadaan wadadan dheer oo aysan xaga iyo xagaba uga dagin, cida larabo inay ku hagto baahideena dadkana u cadaalad sameeyaan waa idinka, waxaan rajeenayaa hada ka bacdi qaadataan booska idinku aadan hawshaas iyada ah” ayuu yiri Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweyne Gaas ayaa ku amrey Hay’adaha caalimga ah iyo (NGO) iny bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu qabo sharciga iyo waajibaadka caashuur qaadida Puntland, isla mar’ahaantaana aan cidna laga yeelayn inay cashuurta bixin waayaan.

Gaas 2
Gaas 2
Gaas 3
Gaas 3
Gaas 4
Gaas 4