Dowladda Qatar Oo Si aan loogu baran ugu hadashay Dagaalka Al Shabaab,

Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Qatar Dr Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani oo Qayb galayay shirkii 13-aad ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada oo lagu qabtay dalka Japan ayaa  sheegay in Qatar ay ka go,an tahay la dagaalanka kooxahaasi.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Qatar ay diyaar u tahay sidii looga guuleysan lahaa kooxahaasi, ayna muhiim tahay in loo midoono.

Sidoo kale intii u socday kulankaasi Qatar waxa ay ku soo bandhigtay aragtideeda ku aadan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, waxaana ay sheegtay in kooxahaasi ay ka faa’iideyteen khilaafka, kala duwananshaha iyo loo lanka ka jira dalalka Yemen, Somalia, Libya, Syria, Iraq iyo Afghanistan.

Dowladda Qatar oo xariir dhow la leh dowladda federaaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in Soomaaliya ay ka taageereyso la dagaalanka  Al Shabab.

Balse dalka Qatar ayaa lagu eedaya in uu maalgaliyo, kooxaha ka dagaalama Dalal aay Soomaaliya ka mid tahay sida ururka Al shabaab.