DEG DEG:- Qarax Qasaarro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho 26th March 2018 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Viber Deegaanka Oodweyne ee Degmada Dayniile waxaa ka dhacay Qarax xooggan, oo laga maqlay qeybo kamid ag degmooyinka ka ag dhow. Waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday hal Askari, halka laba qofood oo ryid ahna ay ku dhaawacmeen. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in gaariga qarxay uu ahaa kuwa raaxada gaar ahaan kan ay u yaqaanaan Soomaalida Kaaribta. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay dhacayey Qaraxyo gawaari loo adeegsado, taas oo qalqal badan ku abuurtay ammaanka magaalada. Wixii warar ah oo soo Kordha dib ayaa idinku soo gudbin doonnaa inshallah.