Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka hadlaya Kulankii xalay la qaateen RW Kheyre’

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xalay kulan waqti badan qaatay Waxa uu la yeeshay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Waxeyna ka wada hadleen Xiisada dhinaca xadka.

Xasan Cali Kheyre Kulankiisa waxaa ku wehlinayay Wasiirada arimaha Gudaha iyo Dbeda ee Xukuumada Somaliya, Waxaana wax badan la iska weydiiyay Xiisada dhinaca Xadka iyo waxa xiligan soo cusbooneysiiyay, Kheyre waxa uu faray Wasiiradiisa iney il gaara ku hayaan arintan maadaama ay tahay mid Qaran.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kamid ah Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, qeybna ka ahaa Kulanka ayaa soo bandhigay warbixinta ku saabsan wixii ay ku soo arkeen Magaalada Beledxaawo oo ay tageen Bilowgii sanadan markaas oo Dowladda ay guddi udirtay Xadka oo uu hogaaminayay Wasiirkii arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Xildhibaan Warfaa ayaa sheegay in Shacabka ay arintan uga danbeeyaan Dowladdooda aan marnaba aqbaleynin in taako kamid ah DHulkeeda sifo aan sharci eheyn lagu qaato, Madaxweynayaasha labada dal ee Somaliya iyo Kenya ayuu sheegay iney ka fariisan doonaan arintan si xal looga gaaro.

Ugu danbeyn Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in Somaliya iyo kenya aaney kala maarmin maadaama ay ilaashanayaan Danahooda gaarka ah iyo midka guud ee Gobolka oo ay tahay in si wanaagsan loo wada shaqeeyo.