Waa Sidee Xaalka Waddooyinka Magaalada Muqdisho?

Waxaa qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamo si gaar ah u hubeysan kuwaas oo sugaya ammaanka waddooyinka waa wayn ee magaalada.
Isgoyska Banaaddir, kan Km4 iyo kuwa kale ayaa caawa baaritaanno xooggan ay ka jiraan, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Gaadiidka ayaa la baarayaa, halka dadka saaranna lagu qasbayo in ay kasoo dagaan si loo hubiyo waxa ay wataan.
Baaritaanka ayaa imaanaya xilli galabta uu ka dhacay qarax xooggan waddada Makka Al mukarramah ee magaalada Muqdisho.