SAWIRRO: Xog dheeriya Qaraxii Khasaaraha geystay ee Muqdisho ka dhacay’

Qarax gaari ayaa saacadu marka ay aheyd 04:00 galabnimo ee maanta ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay gaariga qarxay in nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ah, kaasi oo ku jiray safka baarista gaadiidka mara wadada hormarta Madaxtooyada.

Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaraxa kadib waxaa cirka isku shareeray uuro madow, taasi oo ay arkeen shacabka qaar ee ku nool Muqdisho.

Ciidamada ku sugnaa Barta Kontorool ayaa qaraxa kadib riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayaan qaraxa dhacay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay ka akdhaw xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha. 

Qaraxaan ayaa  , waxa ku geeriyootay inta la xaqiijiyay saddex qof oo midkood ahaa wade Mootooyinka Bajaajka  halka qasaaraha kale aan weli la helin.

Halka uu qaraxa ka dhacay Meel aanan sidaa ugu fogeyn waxaa Khamiistii ka dhacay qarax ay ku nafwaayeen dad gaaraya 20-qof, halka ay ku dhaawacmeen 10-kale waxayna dhammaantood ahaayeen dad shacab ah.

28947324 2062581770646283 4409196714152354616 O 1024x576
28947324 2062581770646283 4409196714152354616 O 1024×576
29060364 2062581847312942 1067022657883028788 O 1024x576
29060364 2062581847312942 1067022657883028788 O 1024×576
29512730 2062581710646289 4763168032694790028 N
29512730 2062581710646289 4763168032694790028 N
29570885 2062581920646268 1407252192520959337 N
29570885 2062581920646268 1407252192520959337 N