Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho’

Mid ka mid ah ilaalada xarunta degmada Kaxda ee gobolkaan banadir ayaa ku dhaawacmay gaari ku Qarxay afaafka hore ee xaruntaasi.

Wararka nasoo gaaraya dedgmada Kaxda ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah oo muddo daqiiqado ah hor yaala afaafka hore ee xarunta Degmada uu ku qarxay halkaasi isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray Askari ka tirsan ilaalada xarunta Degmada.

Goobjoogayaal  ayaa sheegay in ay arkayeen gaari nuuca raaxada ah oo muddo daqiiqado ah hor yaalay xarunta degmada, balse markii dadka ay maamulka degmada la socodsiiyeen arinta kadibna inta aan wax laga qabanin uu qarxay gaarigaasi.

Maamulka degmada Kaxda iyo laamaha amniga ee degmada ayaa weli ka hadlin dhacdadaani, mana jiraan xog intaas dhaafsiisan oo laga helaayo Qaraxaani.

Lasoco wixii ka soo kordha.