Masjidka Villa Somalia Oo Khudbada Jimcaha La Isku Weerarray Iyo Xulufada Kheyrre Oo Qalalaase Sameeyay!

Wadaadka ayaa aad ugu nuux nuuxsaday in ay qalad tahay arrinta ay waddo xukuumadda Soomaaliya, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto, maaddaama ay tahay wax sharci darro ah oo kasoo horjeeda sharciga dalka u yaalla iyo kan Islaamka in qof shaqeysanaya la iska maago.
” waxa ka dhalan kara ficilka socda iyo habdhaqankii barlamaanadi ka horeeyey 9aad iyo 10aad oo uu gudoominayey Guddoomiye Jawaari, taasna dan nooguma jirto”
Hadalada Sheekha waxa dhibsadey xildhibaanada kasoo horjeeda guddoomiye Jawaari, waxaanay istaagay xildhibaan Maxamuud M. Yaxya wuxuuna yiri “Shiikhow waxaa tahay caada qaate”
Wixii intaas ka dambeeyay shiikhii ayaa yiri “Maasijidka dhaxdiisa ayaa lagu jiraa kitaabka allana waa kan ee alle ka baqa”
Ka dib masjidka ayeey ka baxeen xildhibaannada kasoo horjeeday hadalka Sheekha, oo u ekaa mid taageersan in aan la qalqal gelin howlaha baarlamaanka Soomaaliya.