Maamulka Axmed Madoobe Oo Kenya Kala shaqeynaya Sidii Ay U Xiran Lahayd Beled Xaawo

Maamulka Jubbaland ayaa xalay guryahooda ugu galay qaar kamid ah dad lagu eedeeyay in ay wadaan ololle looga soo horjeedo dowladda Kenya iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha Gedo.

Laba qofood ayaa guryahooda lagala baxay, lamana oga halka rasmiga ah ee lala aaday, se waxaa loo maleeyaa in loo xiray olollahaas.

Dowladda Kenya ayaa wadda dhisamaha derbi dheer oo labada dal u dhexeeya, kaas oo gudaha dhowr Km usoo galay degmada Beled Xaawo.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidanka maamulka Jubbaland ay guriyahooda kala bexeen labadan nin oo la aaminsan yahay in ay si wayn kaga dhiidhiyeen gulufka garddarro ee dowladda Kenya ay ka waddo deegaannada gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo la ogyahay in dowladda Kenya ay maal geliso islamarkaana ay ku heysto Kismaayo ayaa u hoggaansan qorshaha Kenya ee Beled xaawo, ha yeeshee taas dadka deegaanka ayaa aad uga soo horjeestay, oo hadda waxa ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya.