DAAWO: Wasiir Maryan Aweys oo ka hadashay Xeerka dalka looga mamnuucay DP World’

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhaqan gelinta go’aanka Baarlamaanka ee ku saabsanaa shirkadda DP World.

Wasiirka ayaa sheegtay in dhaqan gelinta go’aankan ay ka harsan tahay oo kaliya in Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo si uu saxiixo.

“Tallaabada aan qaadnay shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa la socdaan, Raiisul Wasaarahuna si cad ayuu u soo bandhigay, balse haatan waxa la sugayo ayaa ah in howsha rasmiga ah ee dhinaca Baarlamaanka jirta markii ay soo gaba gaboowdo loo gudbiyo Madaxweynaha, kaddibna uu dhaqan geliyo go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka.”  ayey tiri Wasiir Maryan Aweys Jaamac.

MAHAAN KA FIIRSO MUUQAALKA