Al-Shabaab oo sheegatay in Qarax ka dhacay Muqdisho ay ku dileen Saraakiil Sare’

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax Galabta ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxa ay sheegeen in qaraxa ay ka geysteen goob laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Afhayeenka Dhanka Howlgalada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab waxa uu sheegay in qaraxa ay ku dileen 13-ruux oo kamdi ah Ciidamada iyo Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu gaaray Dhimashada 4-qof oo dhammaantood ahaa dad shacab ah, iyadoona dhaawacyo ay soo gaareen tiro kale, laguna qaaday gaadiidka Gurmadka deg dega.

Ciidamada Dowladda ayaa qaraxa kadib xiray Wadooyinka gala halka qaraxa uu ka dhacay, Laamaha Ammaanka Dowladda kama aysan hadlin Khasaaraha ka dhashay.

Halka Qaraxa maanta uu ka dhacay meel aanan sidaa ugu fogeyn waxaa Khamiistii todobaadkii tagay ka dhacay Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac marka la isku geeyo gaaraya 23-qof.

Sayidka 3
Sayidka 3
Sayidka 4
Sayidka 4