Qoyskooda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay geeriyoodeen Xuseen iyo walaalkiisa, waxaana loo maleeyaa in ay saarnaayeen Bajaajta gubatay ee muuqaal baahiyayaasha ay qabanayeen.
Alshabaab oo ah koox xiriir la leh Alqaacidda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay la dileen dad ku dhow 17-qofood oo reyid ah.
Waxaa la xaqiijiyay in dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxaas ay ahaayeen dad reyid ah oo aan waxba galabsan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga oo xilliga qaraxa ka dib goobta yimid.