Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Laba Arrin Halis Ah Ka Gadaya Ingiriiska Iyo Mareykan ka

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan waxaa uu bil gudaheed booqasho ku tagay Ingiriiska iyo Mareykanka, isaga oo heshiisyo dhinac badan la soo galay.
Maxamed Bin Salmaan, galbeedka uma tagin oo keliya heshiisyo iyo maal-geshi ee ujeedka waxa uu ahaa in uu marka hore iibiyo fikradda Islaamka dhex-dhexaadka ah iyo manhajka cusub ee uu gar-wadeenka ka yahay.
Booqashadan waxaa ay tijaabo u aheyd sida galbeedka u aqbaleen isbadallo uu ninkan sameeyay 10-kii bil ee la soo dhaafay.