Aqalka Sare oo maanta Guddi u saaraya Kiis Culus’

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in ay maanta kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku dhawaaqaan Guddi.

Guddigaan ayaa soo baari doono Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku dadaalaya siduu kulankaan Muhiimka ah  ku baaqa lahaay isaga oo wacay Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare isaga u sheegay in aay ka baajiyaan oo aynaan xaadarin si uu kooram la,aan ugu baaqdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumaysan yahay in uu Xildhibaana baddan oo taagersan ku laheyn Golaha Aqalka Sare isaga oo mudnaanta ugu weyn siiya Xildhibaanada Golaha shacabka.