Ururka Xaldoon oo soo saaray Bayaan

 

Ururka Xaldoon oo soo saaray Bayaan .

 

 

Ururka Xaldoon, Waxuu ka tacsiyeynayaa Dadkii Soomaaliyeed ee ku nafwaayay Qaraxii shalay oo ay taariikhdu aheyd 22.03.2018da ka dhacay Waddada Maka al mukarrama ka soo horjeedka Hoteel Wehliye, waxuu leeyahayh Rabbi ha u naxariisto intii ku nafweysay qaraxaas, intii ku dhaawacantayna Rabbi ha ka bogsiiyo.

 

Ururka Xaldoon, waxuu Rabbi uga baryaa ehelada, Qaraabada, Asaxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba inuu sabar ka siiyo. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. 

 

Ururka Xaldoon, Waxuu Golayaasha Dastuuriga iyo Hay’adaha amnigaba ugu baaqaa in laga shaqeeyo nabadgelyada iyo badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed, Waxuuna ku talihaa in lagu mashquulo ka miradhalinta Nabadda iyo Xasiloonida intii lagu mashquuli lahaa is riixriix siyaasadeed iyo Dano shakhsiyadeed.

Ururka Xaldoon, Waxuu cambaareyhaa cid kasta oo ka dambeyso waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo dhiigooda daadinayo.

 

 

Ururka Xaldoon, Waxuu dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaa ineey Gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan Nabaddooda guud, meelna uga soo wada jeestaan cid kastaa oo wax u dhimeyso Nabaddooda iyo aayahooda.

 

Ururka Xaldoon, Waxuu Alle uga baryaa inuu Ummadda Soomaaliyeed dhibka ka dulqaado.

 

Wabillaahi tawfiiq.

 

Xuseen M. Cabdulle

 

Guddoomiyaha Ururka Xaldoon