Xisbiga Wadani oo kalsoonida kala noqday Gudigii doorashooyinka ee Soomaaliland’

Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Ciro oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani uu kalsoonidii kala noqdey Gudiga doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay u gudbiyeen Madaxweynaha Warqad ay kaga codsanayaan in guud ahaanba la kala diro gudigii doorashooyinka Soomaaliland sidoo kalana la soo dhiso Gudi cusub oo cadaalad ugu shaqeeyay Xisbiyada ka jira Soomaaliland.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa sidoo kale sheegay in Doorashooyinka ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliland aan lagu tilmaami Karin Doorashooyin.

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ku hanjabay in uu dhawaan warbaahinta iyo shacabka reer Somaliland u soo bandhigi doonaan khaldaad iyo gafaf ay Gudiga sameyeen wakhtigii doorashada madaxtinimo ay ka dhacayeen Deegaanada Soomaaliland wuxuuna Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Ciro uu ku faanay in ay eegeen danta dadka taasina ay sababtay in ay aqbalaan doorashadaasi.

Warsaxaafadee
Warsaxaafadee