FAAHFAAHIN:- Dagaal Xooggan Oo U Dhexeeya Ciidamada Imaaraadka Iyo kuwa Militeriga Oo Hadda Ka Socda Magaalada Muqdisho

 Sida ay inoo xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow agagaarka Tarabbuunka, ciidamo ka tirsan kuwa Imaaraadka iyo kuwa Militeriga oo gooni ah ayaa is rasaaseyn xooggan ay ku dhex mareysaa qeybo kamid ah degmada Hodan.
Wararka waxa ay intaas kusii darayaan, in labada dhinac ay is maandhaafeyn, taasna ay sabab u ahayd in uu qarxo dagaalkaas.
Hubka noocyadiisa fud fudud iyo kuwiisa cul culus ayaa la isku adeegsanayaa, oo rasaasta ayaa ah mid jiho kasta laga maqlayo.
Isbitaalka xoogga oo fariisimo u ah ciidanka ay Imaaraadku tababbareyn iyo kuwa Militeriga oo kusugan agagaarka tarabbuunka ayaa isku dhacay, dagaalkoodana wuxuu u eg yahay mid wakhti dheer sii qaadanaya.
Kooxaha gurmadka deg degga ayaa durba goobta yimid, ha yeeshee waa ay adag tahay in la galo goobta.