USA: Guri Soomaali Leeyihiin Oo U Dab Qabsaday Iyo Warbaahinta Mareykan ka Oo Hadal Heysa Dhacdadaas!

Warbaahinta gudaha Mareykan ka ayaa baahisay in saddex qofood ay ku geeriyoodeen dab ka kacay guri ku yaalla magaalada Massachusetts ee dalka Mareykan ka.
Guriga uu dabka ka kacay ayaa la xaqiijiyay in ay Soomaali dagneyd, sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ah ee ay baahiyeen warbaahinta hadal heysay dhacdadaas.
Dhismaha uu dabka ka kacay waxaa uu ahaa mid ka kooban afar biyaano ama dabaq, waxaana la xaqiijiyay in ay saddex ruux ku geeriyoodeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Aabbe iyo labadiisa wiil ay ku dhinteen dabkaas ka kacay gurigooda, lamana oga qasaaraha kale ee uu geystay dabkaas.
Imaamka Masaajidka xaafada uu Dabka ka kacay oo lagu magacaabo Wisaam Cabdul Baaqi ah ayaa sheegay in Odayga uu u gurmaday wiilasha oo ku jiray gudaha Guriga, balse isaga laftirkiisa uu ku dhintay Dabkaasi.
 Si kastaba ha ahaatee shilalka dabka ka dhasha ayaa ku badanayay qeybo badan oo Soomaalida ay dunida ka joogaan.