Qasab Mise Qorsho Kale; Golaha Wasiirrada Iyo Qudbooyinkoodii Qadadii Kheyrre?

Qaar kamid ah xildhibaannada ka tirsan golaha wasiirrada ayaa kasoo muuqday kulan qado sharaf ah oo xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya laga soo abaabulay, islamarkaana laga doonayay dhoola tus lagu baqo gelinayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.
Wasiirada kulanmkaasi ka soo muuqday oo Camerada ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Soomnaaliya Maxamed Abuurkar Islow (Ducaalle), Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraaha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlaayaal.
Qaar kamid ah wasiirrada ayaa la siiyay fursad ay kaga hadlaan qadada, ha yeeshee qaarkood ayaa laga dareemayay in lagu soo qasbay, maaddaama ay ka baxeen mowdduucii qadada oo ahayd in laga codsado guddoomiye Jawaari in uu is casilo.
Tusaalle  Wasiirada Mooshinka ka hadalkiisa aanan ku qanacsaneyn waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Bayle oo qudbad halkaasi uu ka jeediiyay kaga hadlay arrimaha Maaliyadda, Akoono in loo furo Ciidamada Booliska iyo bixinta Canshuurta, taas oo ahayd mowdduuc aan meesha oollin, taas oo muujineysa in ay wasiirrada qaar ay ku qasbanaayeen arrintaas.
Xukuumadda Kheyrre ayaan ka baranay in ay qasabto cid kasta oo ay dan ka leedahay, ha yeeshee golaha wasiirrada ayaa ku wareersan siyaasadda is diiddan ee golaha fulinta iyo midda sharci dejinta.