Mareykanka: 9; jir walaashii u dilay Game ay wada ciyaarayeen’

Dalka Mareykanka wiil 9; jir ah ayaa xabad madaxa kaga dhuftay walaashii oo 13 jir ahayd kaddib markii ay u diidday in uu markiisa maamulo Gacanka laga hago ciyaaraha muuqaallada ah ee Game-ka.

Booliska Mississippi,ayaa sheegay in wiilka sagaal jirka ah uu ka carooday kaddib markii ay Gabadha u diidday maamulka ciyaarta markiisa kaddibna uu qori kala soo baxay qolka isaga oo madaxa ka toogtay.

Xabadda ayaa waxaa ay Gabadha uga dhacday madaxa iyada oo u sii gudubtay Maskaxda taas oo ay dhaqaatiirta sheegeen in ay de dejisay geerida Gabadha.

Saraakiisha Booliska Mississippi,ayaa sheegay in falkan uu ku cusubyahay islamarkaana aysan wali arag 9 jir toogasho geysanaya.

Waxaa ay sheegeen in sidoo kale aysan hubin ciqaabta uu muteysan karo maaddaama sida uu sheegay xeerarka aysan si dhameystiran uga jawaabeyn ciqaabta 9 jir dil geystay.

Sheriff Cantrell oo ka mid ah Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in ay sugayaan wixii ay Maxkamadaha ka yiraahdaan arrintan oo ku cusub Mareykanka.