DAAWO: Xildhibaanada Labada Aqal ee BF oo si adag u Difaacay Gudoomiye Jawaari’

Kullan aay  Magaalada Muqdisho ku yeeshen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Somalia, lagana doortay deeganada Koonfur Galbeed, ayaa ka  horyimid hadal  ahaa in uu is Casilo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari.

Xildhibaanadaan ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nidaamka Dalka iyo kala danbeyntiisa kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka shalay ku baaqeen in uu is casilo Gudoomiye Jawaari.

Maalmahii Ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho,waxaa aad u saameeyay khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ku saabsana Mooshinka laga wado gudoomiye Jawaari.

Halkaan Hoose ka daawo Xildhibaanada hadlay