DAAWO: Meydka Haweeney 60-jir ah oo Muqdisho la keenay Iyo Ciidanka (Waafow) oo dilay’

Ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanka Numbar 50, kana amar qaata C/laahi  (Waafow),ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah oo deegaankaasi ku nool,oo aay  u danbeysay haweeney 60-jir ahayd oo shalay lagu dilay gurigeeda oo ku yaalo deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Haweeneyda loo toogtay si bareer ah,waxaana falkaan ka badbaaday Wiil iyada ay dhashay oo la joogay guriga xilliga weerarka uu dhacayay.

Meydka Haweeneyda ayaa maanta la keenay Cisbitaal Madiina ee magaalada Muqdish,waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay qaar ka mid ah Ehaladeeda.

Nabadoon Axmed Maxamed Calasow Kaante oo ka mid ah Ehalada Marxuumadda la dilay ayaa sheegay in labo askari ay ka danbeeyaan dilka Haweeynda,kuwaasi oo ka tirsan Ciidamada C/laahi (Waafow), oo u dhashay Beesha Biyo maal  ee ku sugan deegaanka Numbar 50,wuxuuna ku baaqay in cadaaladda la horkeeno.

MAHAAN KA FIIRSO MUUQAALKA