Ethiopia Oo Shuruud Adag Ku Xirtay Sii Deynta Qalbi Dhagax!

Dowladda Ethopia ayaa Sharuud adag ku Xirtay sii deynta Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF.
Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay laanta Afka Soomaliga ee VOA-a ayaa sheegay in sii daynta Qalbi-dhagax lagu xiray shuruud ay kamid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed, islamarkaana uu noqdo shaqsi aan  ku lug laheyn Fikradaha loogu soo horjeedo Dowladda Ethopia.
Sidoo kale Hirmooge ayaa sheegay in Wada-hadalkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya loogu hadlay arinta Qalbi dhagax, islamarkaana sharuudo lagu xirey sii deyntiisa.
Waxa uu sheegay in Maxaabistii dhawaan laga sii daayay jeelasha Ethopia, ay dowladda dalkaas isaga dhaqaysay ceebaha kaga imaanayay caalamka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Ethopia ay dalbatay in C/kariin Qalbi Dhagax uu warbaahinta dalkaas ka hadlo islamarkaana uu cadeeyo Mowqifkiisa.
27-dii Agoosto sanadkii 2017-kii Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Ethopia u gacan galisay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Jamhadda ONLF,waxaana taasi ka xumaaday shacabka Soomaliyeed.