‘Xildhibaan Fiqi oo Sheegayin ballan isku dhaarsadeen Xildhibaannada ka horjeeda Mooshinka Jawaari’

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi ayaa sheegay in xildhibaannada ka horjeeda mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay galeen ballan ku saabsan badbaadinta Baarlamaanka Fedaraalka Somalia.

“Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi oo sii raaciyey inay ka hortagayaan weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee uu sheegay inay xukuumaddu ku soo qaaday Golaha shacabka.

Wuxuu si jees jees ah uga hadlay dadaalka xukuumadu u gashay inay ka takhalusto gudddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari iyo fursadda u harsan, isagoo yiri ” “dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka laheyn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Somalia, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro”