Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay sababaha ay Ciidamadda Dowladda Soomaliya ay ugu soo baxaan goobaha ay kala wareegaan dagaalyahanadda kooxda Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa sheegay in Ciidanka uusan marka horeba ahayn in ay degaan qabsadaan ee ay ka hortagaan waxa uu ku sheegay meelaha ay isku urursanayaan dagaalyahanadda Kooxda Al-shabaab ama ay ku diyaarinayaan qaraxyada .
Waxa uu sheegay wasiir Mursal in aanay sax ahayn in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay ka baxaan goobaha ay ku talagalaan in ay ka qabsadaan kooxda Al-shabaab.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaliya ay isku diyaarinayaan sidii ay amniga dalka kala wareegi lahaayeen Ciidamadda Midowga Afrika Amisom.