Xaflad lagu soo badhigi lahaa waxqabadka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa cabsi darteed loo baajiyay kadib markii aay soo baxeen warar sheegaya in dad ka careysan hab dhaqanka Ra’iisal wasaaraha iyo Siyaasadiisa khilaafka badan soo weerari doonaan.
Xafladan oo lacagta ku baxaysa u bixiyay R/wasaare Kheyre lana rabay in lagu amaano Ra’iisal wasaaraha cadaadiska badan saaran yahay ee muranka ka dhex dhaliyay Baarlamaanka ayaa daqiiqadii ugu dambeeyay maanta la baajiyay iyadoo xafladana ay dhici rabtay galabta.
Xafladaan ayaa lagu qaban rabay Hool ku yaalla nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho balse baqdin amni awgeed xafladii waa lagu kala dareeray.
Halku dhiga Xafladda oo ahaay Dal amni ah,iyo goobta lagu qaban lahaay oo amaankeeda loo baqay ayaay layaab ku noqotay dad badan maadama R/wasaare Xaflad uu isaga ka qeyb geli lahaay amnigeeda sugi waayay sidii dalka loogu aaminay.
Xafladda oo lagu waday in aay dhacdo galabta gelinkii danbe Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid fashil ku dhamaatay kadib Amni xumo laga baqay in aay ka dhacdo goobtaasi.
Kheyre oo aan waxba qaban ayaa la doonayay in xafladan lagu weynayo waxqabad la soo dhoob dhoobay oo aan qiimo badan ku fadhin , waxaana la doonayay in dadka soomaaliyed been aan jirin lagu jeediyo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maalinba maalinta ka danbeeysa sii luminaya taagerayaal badan oo uu ku beer laxaawsan jiray hadalo raqiisa.


