Khilaafka hareeyay guddoonka golaha shacabka ayaa ahaa mowdduuca guud ee kulanka, odayaasha ayaa baaq nabadeed u diray madaxda ugu sareysa dalka, waxaana ay ugu baaqeen in xasaradda lagu xaliyo qaab siyaasadeed.
Odayaasha ayaa meesha ka saaray in hadda aysan habbooneyn in xoog iyo qori caaraddiisa la isku maquunniyo, cagsigana la isticmaalo wada xaajood iyo qaab nabadeed.
Kulankan ayaa ah kii ugu horreyay oo noociisa ah, odayaasha ayaa uga digay madaxda dalka in aan sharciga la jebin, xeerarka dalka u yaallana aan la hareer marin.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe lagu baddalayo guddoomiye Jawaarri, oo kamid ah aqoonyahannada ugu waa wayn dalka ee dhanka sharci dejinta.