Maxay Qaban Doonaan Guddiga Aqalka Sare Ee Loo Saaray Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka Hareeyay?

Guddi uu hor kacayo guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya mudane Cabdixaashi Cabdullahi ayaa loo saaray xalinta khilaafka adag ee soo dhex galay golaha shacabka iyo golaha fulinta Soomaaliya.

Liiska Sanatarrada la magacaabay ayaa ah kuwa ka kooban 7 ba xubnood oo uu guddoomiye ka yahay isla guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi.

Guddigan la magacaabay ayaa xalin doona arrimaha siyaasadda ee is diiddan islamarkaana waxa ay dhex dhexaad ka noqon doonaan arrinta Kheyrre iyo Jawaarri.

Haddaba hoos ka akhriso liiska iyo magacyada sanatarrada lagu daray guddigaas.

1. Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiye
2. Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Xubin
3. Senator Zamsam Ibrahim Cali, Xubin
4. Senator Cabdi Xasan Qeybdiid, Xubin
5. Senator Maxamud Axmed Mashruuc, Xubin
6. Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Xubin
7. Senator Muhyudiin Sheekh Cali, Xubin.