Magaalada Jowhar Oo Saakay Farxad Lala Waabberiistay!

Webiga Shabeelle ayaa biya keenay, oo Nimco balaarrin ayaa laga soo sheegayaa qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegaannada ku hareerreysan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Muddooyinkii ugu dambeeyay biya la’aan baahsan ayaa laga soo sheegayay deegaannadaas, maaddaama uu gurray webiga.

Dadka deegaanka ayaa saakay waabberiistay iyadoo webiga uu biya keenay, taas oo ay aad usoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Waxaa lagu jira xilliyada kuleellaha ama Jiilaalka, gobollada Koonfureed ee Soomaaliya inta badan cimilladu waa kuleel hanfi iyo biya la’aan badan ayaa ku habsatay, ha yeeshee biya keenidda webiga Shabeelle dadka deegaanka waxa ay u tahay farxad aad u wayn maaddaama xaaladda ay aad u cakirneyd.