Hal Arrin Oo Sabab U Ah Fashilka Siyaasiga Soomaaliga!!

Siyaasadda Soomaaliya ayaa galeysa weji kale iyo xaalad kale, siyaasiyiin badan ayaa xilalkooda soo waayay, kuwa kale ayaa weli ku jira xasarrad siyaasadeed (Political Crisis), haddaba waxaa is wayddiin mudan maxaa sabab u ah fashilka siyaasiga Soomaaliga.
Inkastoo wax badan ay sabab u tahay middaas, haddana waxaa muhiim ah in aan taabanno waxa ugu wayn ee sababta u ah middaas.
Culimmada Siyaasadda ayaa inta badan ka hadla arrimahaas, waxa ay sheegaan in damaca (Greed) uu yahay mid kamid ah cunsurrada ugu muhiimsan ee sababa fashilka deg degga ah ee siyaasiga Soomaaliga.
Ha yeeshee keligii talisnimada (Dictatorship) ayaa sidoo kale cunsur kale oo dhib ku haya mustaqbalka siyaasiga Soomaaliyeed, waana midda keliya ee fashilkooda soo dedejisa.
“Guulddarrooyinka ganacsi iyo midda siyaasadeed waxaa marar badan ay ka dhashaan damac iyo in aad qof kasta isku taagto si aad u hesho gacanta sare (Dominance), taas oo ah sababta ugu badan ee ay Siyaasiyiinta suuqa uga baxaan!” waxaa sidaa bartiisa Facebook kusoo qoray mid kamid ah  dhalinyarada Soomaaliyeed ee siyaasadda falanqeeya.
Kheyrre ayaa ah tusaalle nool, wuxuu isku dayay in uu la wareego awoodaha dowladda oo idil, qof kasta  ayuu isku dayay in uu la loollamo, ha yeeshee waa midda soo dedejineysa fashilka siyaasadeed ee ku wajahan.