Xildhibaan Saxiixiisa Looga Been Abuurtay Mooshinka Jawaari!

Proff Maxamed Cabdi Gaandi oo u waramayay warbaahinta GJ ayaa sheegay in looga been abuurtay saxiixiisa mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari.
Gaandi ayaa sheegay in uusan qabin wax talo soo jeedin ah, islamarkaana uusan qeyb ka ahayn dadkii watay qorshaha lala damacsanaa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaa isoo gaartay arrin aan ku farxin, taas oo ah in magaceyga uu ku jiro dadka saxiixay mooshinka, waxaan caddeynayaa in arrintaasi aysan waxba ka jirin, tan kale ani waligey maba tagin meel mooshin lagu saxiixayo ama laga wado”.
Hadalka Xildhibaan Maxamed  Cabdi Gaandhi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka.