Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Kusoo Biiray Ololaha Looga Soo Horjeedo Jawaari!

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa si rasmi ugu soo biiray ololaha ka dhanka ah Jawaari, iyagoo shir jaraa’id ay qabteen ku difaacay Xukuumadda kuna taageeray mooshinka Guddoomiye Jawaari

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye “Mooshinka cid kama noqon karto marka la aqbalo, kaddib illaa laga geeyo Golaha shacabka, cida ka baxeysa dood ahaan iyo cod ahaan uga bixi kartaa, laakiin loogama baxo banaanka, 184 cod haduu mooshinkan gaari waayo Maxamed Sheekh Cusmaan wa Guddoomiyaha golaha shacabka, hadii uu gaaro 3/2 15 berri gudahood Golaha shacabka wuxuu soo doonayaa Guddoomiye cusub”

Waxaa cirka isku shareerraya ololaha siyaasadeed ee lagu doonayo in xilka looga xayuubiyo guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya mudane Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda ayaa weerar qaaban kusoo qaadday golaha sharci dejinta, waxaana ay ku doonayaan in ay kusoo afjaraan awoodda guddoomiyaha aqalka ummadda.