Warbaxin Xasaasiya oo lagu falan qeeyay Inqilaabka BF ku sameeyay RW Kheyre’

Waa ayaandarro weyn in waaxda fulinta ee dowladdu ciidan kula wareegto xarunta Golaha Shacabka. Taasi waxa ay nabar ku tahay qof walba oo naf, maal iyo waqti u huray amaba talo ku yeeshay dib-u-yagleelida dowladnimada iyo dimoquraadiyada curdunka ah ee Soomaaliya.

Barlamaanku waa hay’adda keli ah ee heysata sharciyad dadweyne, xitaa haddii ay yar tahay tirada dadka doortay xildhibaanada. Waa udub-dhexaadka isku-haya bulshada iyo dowladnimada Soomaaliya. Qorshe walba oo shaqadooda lagu cuuryaamiyo amaba lagu cabsigeliyo waxa ay ka dhigantay dulaan lagu qaaday dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

Waxaa ayaandarro kale oo labaad ah in dad waa weyn oo garasho leh weli ku doodayaan dowladda xadgudubka sharciyeed intaa la eg gashay in lagu diidan yahay qabyaalad iyo reernimo.

Markii ciidanku la wareegayay xukunka wadanka 1969kii, dad badan oo garaad leh ayaa u sacab-tumay. Wax yar kadib iyaga ayaa ku baxay gacanta askarta. Gaboodfal walba oo ciidanku geysteen ilaa 1991dii dad baa u sacab-tumayay, xitaa markii Hargeysa iyo deegaanada kale ee Soomaaliyeed dowladdu ku gumaadaysay dadkeeda.

Wixii dambe dhacay ilaa 1991kii dad baa xaq iyo sharci u arkayay. Caawa na dad baa u sacab-tumaya inay hub iyo ciidan adeegsadaan oo ku weeraraan Golihii doortay madax kursiga ku timid warqad yar oo sanduuq lagu riday.

Waa masiibo in dalkan aan la wada jeclayn. Fiican laheydaa in dadka iyo dalka loo wada turo.

Xigasho  Barta Facebook ee Muhyadin Axmed . Rooble