Saraakiisha Ciidamada Amisom iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay kawada hadleen Qorshaha iskaashi ee dhanka amniga ee u dhaxeeya AMISOM iyo Maamulka Gobolka Banaadir kadib kulan ay ku yeesheyn Aqalka Dowlada hoose eeĀ Xamar.
Madaxa Howlgalka Midowga Africa Fransisco Madera iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Cumer Cismaan yariisow ayaa isla falanqeeyay hanaanka iskaashi dhanka amniga ah ee AMISOM iyo Maamulka Gobolka,waxaana ay isku raaceyn in Howlgal Midowga Africa ee Somalia uu door ka qaato arimo ay kamid tahay sugida Amaanka Muqdisho.
Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa kulanka kadib Suxufiyiinta la wadaagay qorshaha Amisom ee Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho,iyo Doorkooda Amaanka Caasimada.
waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in uu saraakiisha Amisom kala hadlay amniga Gobolka iyo sidii Ciidamada Amisom ee ku sugan Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho looga saari lahaa.



