Safarka Farmaajo iyo Heerka Siyaasadda Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa berri lagu filayaa inuu u ambabaxo dalka Qatar, waxaa lakala ogaan doono halka uu ka taagan yahay khilaafka marka uu dalka ka dhoofo cida noqoneysa Kusimaha Madaxweynaha.

inkastoo Madaxweynaha illaa haatan uu ka hadlin arrinta Khilaafka Laanta Fulinta iyo Sharci dejinta, hadana dad badan ayaa ka war-sugaya sida Madaxweynaha uu wajaho arrintan.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeysanaya in aanu wixii ka dambeeyay markii mooshinka laga gudbiyay uusan wax shaqo ah qaban karin, isla markaana shir guddoomin karin, wixii howl ahna uu la wareegay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, inta Mooshinka ka yaalla go’aan laga gaarayo.