Dagaal Adag Oo Ka Dhacay Hiiraan Iyo Khasaaraha Oo Aad U Kordhaya

Taliska Ciidanka Militariga ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen 30 askari oo ka tirsan ururka Al-shabaab kuwaasoo dagaal ku soo qaaday

Dagaalka ayaana ka dhacay Maxaas Taliyaha oo sii hadlay ayaa Warbaabinta u sheegay inay ka go’an tahay inay ka sifeeyaan al-shabaab guud ahaan hiiraan

Ugu danbeyn Saakay ayaa waxaa la isku horfadhiyaa halkuu Dagaalka ka dhacay waxaana jirta cabsi badan ay qabaan dadka Shacabka ah.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli ammaanka gobolka Hiiraan laga deyrinayo maaddaama xilliyadii ugu dambeyay ay socdeen howlgallo lagu sifeynayo kooxaha xagjiriinta.