Dowladda Norway Oo Dhex Dhexaadineysa Kheyrre Iyo Jawaarri

Maaddaama. Ay heystaan dhalashada dalka Norway, xukuumadda Oslo ayaa gogol nabadeed u fidineysa siyaasiyiinta dhalashadeeda heysta ee Kheyrre iyo jawaas oo khillaaf baahsan uu kala dhexeeyo.
Norway ayaa u baahan in aysan lumin midkood labada siyaasi, si ay ugu fududeeyaan dhammaan waxyaabaha ay dowladdaas kaga baahan tahay soomaaliya.
Laanta sharci dejinta ayaa ka sheeganeysa laanta fulinta gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ay ku eedeynayaan in ay faragelin qaaban ku hayaan howlaha baarlamaanka.
Kheyrre ayaa ah muwaaddin kasoo jeeda dal waynaha Norway, sidoo kalena usoo shaqeeyay hey’adda qaxootiga ee dalka Norway ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno NRC.
si kastaba ha ahaatee Norway ayaa noqoneysa dalkii ugu horreeyay ee dhex dhexaadiya siyaasiyiin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dalkooda.