Dowlada Sacuudiga oo ku goodisay in ay sameysanayso Nukliyeer’

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CBS News u sheegay in dalkiisu uusan rabin in uu samaysto Nukliyeer.

“Balse shaki kuma jiro haddii ay Iiraan samaysato bam Nukliyeer ah in markaas dalkiisuna uu sidaas oo kale yeeli doono waliba sida ugu dhakhsaha badan”. Maxamed ayaa intaas ku sii daray hadalka.

Iiraan ayaa xaddiday barnaamijkeeda Nukliyeerka sannadkii 2015kii, ka dib markii ay heshiis la gashay qaar ka mid ah dalalka ugu ugu awoodda wayn caalamka – balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu heshiiskaas ka bixi doono.

Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa wakhti dheer isku hayay Bariga Dhexe iyaga oo kala hoggaamiya Sunniyiinta iyo Shiicada, sida taariikhda lagu hayana waxay kala taageeri jireen dhinacyada isku qabta gobolkaas.

Sannadihii dambana waxaa sii xoogaystay xiisadda u dhaxaysa tan iyo wixii kadambeeyay dagaaladdii ka billawday Suuriya iyo Yemen.