Xildhibaan Jeesow Oo Sheegay In Sharci Darro Jawaari ku Dhisay Guddiyada BFS”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Barlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa ugu horreyn sheegay in guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu baal maray Dastuurka dalka.

Jeesow ayaa tilmaamay in guddoomiye Jawaari markii horeba qaab musuqmaasuq ah uu ku soo dhisay guddiyada joogtada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu intaasi ku daray in guddiyadaasi shaqadii ay qaban lahaayeen uu la wareegay Jawaari, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Daahir Amiin Jeesow ayaa ka hadlay arrimaha la xariira Xildhibaanada saxiixay Mooshinkii ka dhanka ahaa gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in Xildhibaanadu aysan ka laaban karin Mooshinkaasi mar haddii ay saxiixeen xeer hoosaadka u yaalla Baarlamaanka Soomaaliya.