Nabad sugidda Oo Baajisay Kulan Uu Saxafa Hotel Kulahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur!

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Facebook giisa ku shaaciyay in nabad sugidda qaranka ay hakiyeen kulan wacyi gelin ah oo uu ka waday magaalada Muqdisho.

CCW ayaa caawa bartiisa facebool ga soo dhigay qoraal u qornaa sidan:-

“Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas.

Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas.

Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka”